825 Views

Kulamo looga soo horjeedo gudoomiye Gacal oo Dhuusamareeb ka socda

Kulamo looga soo horjeedo gudoomiye Gacal oo Dhuusamareeb ka socda
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL October 13 |  2020—kulamo looga soo horjeedo Gudoomiyaha baarlamaanka Galmudug Maxamed Nuur Gacal ayaa ka socda Magaalada Dhuusamareeb ee Galmudug sidda ay Risaala u xaqiijiyeen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Galmudug.

Xildhibaanada baarlamaanka Galmudug ayaa si weyn uga soo horjeestay tilaabo gudoomiyaha baarlamaanka Galmudug uu ka qaaday Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Galmudug.

Xildhibaanno ka careysan warqad uu soosaaray Guddoomiyahooda Maxamed Nuur Gacal isla markaana uu shaqada uga joojiyay Xildhibaan Cabdullaahi Axmed Calasow ayaa cabasho u gudbiyay Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor.

Calasow ayaa ka mid ahaa xildhibaanadii kursiga kula tartamay Gudoomiye Maxamed Nuur Gacal, islamarkaana hadda ah Wasiir dowladaha Wasaaradda Amniga maamulka Galmudug.

Xildhibaanka ayaa la sheegay in uu ka mid ahaa xildhibaano si weyn uga soo horjeeday gudoomiyaha baarlamaanka Galmudug oo maalmihii lasoo dhaafay waday olole ka dhan ah in xilka laga tuuro.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
_____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post