660 Views

Wasiirrada Arrimaha Dibadda Carbeed oo taageero dhaqaale u balan qaaday doorashada Somaliya.

Wasiirrada Arrimaha Dibadda Carbeed  oo taageero dhaqaale u balan qaaday doorashada Somaliya.
____________________________________________________________________________

Isniin: September 13, 2021

Wasiirrada Arrimaha Dibadda Carbeed ayaa waxa ay isku raaceen, kalfadhigoodii caadiga ahaa ee 156 -aad, oo uu shir -guddoominayay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Kuwait, Sheikh Dr. Ahmad Nasser Al-Mohammad Al-Sabah, in doorashada Soomaaliya laga taageero dhanka dhaqaalaha iyo farsamada, si loo dhameystiro ka hor dhammaadka sanadkaan 2021-ka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hadal uu ka jeediyay Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda Carabta waxa uu caddeeyay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ka sugeyso ka qeybqaadasho dhab ah oo hore loogu dhaqaajinayo geeddi -socodka doorashada iyo taageerada maaliyadeed iyo farsamo, taas oo loo tixgelin doono in ay tahay farriin cad oo ku socota dadka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka si loo xaqiijiyo ahmiyadda dalalka Carabta ugu fadhido Soomaaliya si ay uga gudubto caqabadaha jira.

Soomaaliya ayaa ka codsatay wadamada Carabta in ay bixiyaan qarash dhan $12 milyan oo doolar oo ka qeyb ah 29 milyan ee loo qorsheeyay in lagu socodsiiyo howsha doorashada.

 Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa wadahadal laba geesood ah la yeeshay dhiggiisa Kuwait, Sheikh Dr. Ahmad Nasser Al-Mohammad Al-Sabah, isagoo sidoo kale khadka teleefoonka kula hadlay dhigaggiisa Qatar iyo Saldanada Cumaan, Sheikh Mohammad bin Abdulrahman Al-Thani iyo Sayyid Badr bin Hamad bin Hamood Albusaidi, waxa uu kala hadlay horumarinta xiriirka laba geesoodka iyo fursadaha iskaashi ee heer walba leh iyo xoojinta isku-duwidda si loogu adeego dano wadaagga

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post