339 Views

Milatariga Myanmar oo xukunnno dil ah fuliyey

Milatariga Myanmar oo xukunnno dil ah fuliyey
____________________________________________________________________________

Isniin: July 25, 2022

Madaxa xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay ee Myanmar James Rodehaver, ayaa mas’uuliyiinta militariga ee dalkaasi ku eedeeyay inay adeegsadaan xukunno ay dadka ku dilaan si ay uga dhuuntaan qalalaasaha ay iyagu abuureen.

Hoggaanka milatariga Myanmar ayaa fuliyey xukunkii dilka ee ugu horreeyey oo tobaneeyo sano dalkaasii ka dhaca.

Sida ay sheegtay warbaahinta dowladda, laba ka mid ah afarta qof ee la toogtay maalmihii la soo dhaafay ayaa ahaa dad caan ah oo u dhaqdhaqaaq dimuqraadiyadda.

Xubnaha dilka lagu fuliyey waxaa ka mid ah xubno dimuqraadiyadda u dhaqdhaqaaqa oo ay ka mid yihiin Kyaw Min Yu iyo Phyo Zeya Thaw.

Waxaana xubnahaasi lagu eedeeyey iney gacan ka geysteen falal argagixiso oo dalkaasi ka dhacay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post