318 Views

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Shirguddoomiyay Kulan Looga Hadlayay Horumarinta Garsoorka

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Shirguddoomiyay Kulan Looga Hadlayay Horumarinta Garsoorka
____________________________________________________________________________


Talaado: September 26, 2022

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federalka Soomaaliya, mudane Xamse Cabdi Barre ayaa Guddoomiyay shirka guddi hoosaadka Golaha Wasiirada ee tiirka Cadaalad iyo Garsoor madax-banan oo maanta looga hadlay dardar-galinta howlaha hortabinta u leh hay’adaha Caddaaladda oo u dub dhexaad u ah helitaanka garsoor madax-bannaan oo soo celiya kalsoonida bulshada.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa tilmaamay in Xukumadda ka go’an tahay dhab-u-yagleelidda garsoor madax bannaan oo xaqiijiya wadajirka bulshada Soomaaliyeed, maadama cadaalad-darradu ay kamid tahay sababihii na dhaxalsiiyay Qaran burburka

Tiirka Cadaalad iyo Garsoor madax-banan oo ka mid ah 6da tiir ee barnaamijka Xukumadda Dan-Qaran ayaa halbeegyadiisa ugu muhiimsan waxaa kamid ah dib-u-eegista shuruucda iyo Siyaasadaha muhiimka u ah helitaanka Garsoor hufan oo madax-bannaan ,Dhamaystirka Heshiiska Siyaasadeed ee Hannaanka Garsoorka Hay’adaha Cadaaladda, Daadajinta Adeegyada Garsoorka iyo dhiiri gelinta xallinta khilaafaadka ku salaysan Xeer Soomaaliga iyo  hir-gelinta maamul wanaag ku dhisan isla xsaabtan.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post