3648 Views

Waa in si Sharci ah Loo Mamnuucaa Isbaarooyinka

Waa in si Sharci ah Loo Mamnuucaa Isbaarooyinka
____________________________________________________________________________

 

May 10, 2017

Waa in si Sharci ah Loo Mamnuucaa Isbaarooyinka.

 

Waa in si Sharci ah loo mamnuucaa Isbaarooyinka, waayo waxay gaar ah u yihiin Shaqsiyaad Sheegta Magacyo Qabiil iyo kuwo Dowladeed, Isbaarada waa Asaaska Duminta Sharciga iyo Qaranka, waxaana caada noqotay in ay shaqsiyaad ka dhigtaan Ganacsi ay ku biishaan Reerahooda iyo kuna fushadaan dahahooda.

 

Shacabka Somaaliyeed aad iyo aad ayey ugu dhib qabaan, lacagaha lagu qaado isbaarooyinka, waxaa inta badan dhacda in qof shacab ah loo DILLO lacag isbaaro uu bixin wayey darteed, mana jiro Sharci iyo Ciidan wax ka qabto dhibaatooyinka  isbaarooyinka.

Aniga qoray maqaalkan, waxaan marqaati ka ahay, maalin maalmaha ka mid ah, ayaan imid isbaaro ka mid ah isbaarooyinka ku yaal jidka Afgooye, waa goor Casir liiq ah ama ay Qoraxda sii dhici rabto, waxaa goobta isbaarada taagan laba Gaari oo Xamuul wada oo aan filayo in ay u socdaan dhinaca Bay, gaariga hore ayaa wuxuu daaqada ka soo dhiibay lacag dhan 500,000 kun SH. Somali, waxaa barta taagan laba ASKARI,  darawalkii ayaa yiri “waxaan heli karaa shantan boqol kun ee iga qaada, Askarigii hore wuu aqbalay, Askarigii kale ayaa yiri waa meeqa lacagta?, wuxuu yiri “waa shanboqol kun” wuxuu yiri, “hadii ninkan uu san dhiibin HAL MILYAN, ma dhaqaaqayo, Qorigii ayuu kor u tagay, HAL xabad ayuu Riday, wuxuuna  yiri “hadii aad dhaqaaqdo ogow waxa kugu dhoco” Askarigii kale ayaa yiri “ninkan wuu Dansheegtay ee aan ka qaadno lacagtaan, Askarigii kale waa diiday”, wuxuuna u bax bax baxsanayaa ninkii Darawalka ahaa uuna leeyahay ka soo deg gaariga, darawalkiina wuu Baryootamayaa!!!.

Waxaa Xirmay oo Jaam noqday wadadii ama waxaa batay Mashquulkii, wadadii labada dhinac Xirantay, waayo waxaa jidka xiray labada gaari oo waawayn, Shacabkii wuxuu Cabanayaa, majiro dareen iyo Naxariis ka muuqata Askariga dagaalamaya, mana jirto cid la hadli karto,  waxaa taas ka siidaran Meel aan ka Fogayn oo geed hoostiis ah,  waxaa fadhiya nin ku la bisan Tuuto ay u Xiran tahay GAASHAANLE, wax dareen ah kama muujin dhibka ka taagan wada iyo Tacadiga lagu hayo Shacabka !!!.

Walee Tuutaha iyo Darajada saaran iyo qofka ku dhex jira, waa Kaaf iyo kala dheeri, waayo hadii uu ahaan lahaaa, shaqsi muwaadin ah ee darajadaas ku helay aqoon iyo daacadnimo Shacabku maciishoodeen Galabtaas, mana inkaartameen, waayo Askariga daacada  ah lama Habaaro ee waa loo Duceeyaa!!!.

Ugu dambayn, waxaan Fariin Culus u dirayaa, Wasiirka Gaashaan dhiga, Taliyaha Xooga dalka iyo Abaanduulaha  Ciidanka, waa in ay si deg deg ah wax uga qabtaan dhibaatada Shacabka lagu hayo ee ay sababaan isbaarooyinka, waxaa jira dad masaakiin ah oo nolosha ka raadiya shay DANBIIL kujira ama DHIL yar, waxana dhacda in ugu yaraan ilaa 4 isbaaro in lacag looga qaado, hadaba aan iswaydiinee qofkaas muxuu ka heli karaa wixii yaraa uu keenay SUUQA?.

 

Sharciga iyo Cadaalada hala adeegsado, yaan laga baqin nin Sharbadan oo aan sharciga Rabin ama Shaqsi raba in uu ku maareeyo noloshiisa lacagaha laga qaado isbaarada, midna waa muhiim in lagu sameeyo Baaritaan, sida ay sheegayaan wararka qaar, isbaarooyinka qaar waxay u shaqeeyaan Shaqsiyaad Caan ah iyo Siyaasiyiinta qaar, waana in si dhab ah loo soo xaqiijiyaa Arimahan, iyadoo ay muhiim tahay in Sharciga la horkeeno qofkii lagu helo Arimahan Sharci darada ah.

Waxaan rajaynayaa sida ka muuqata Sawirka Mudane, Farmaajo ee la socda Maqaalkan, waa muhiim in qofkasta oo Masuula uu muujiyo Naxariista ka muu qata Madaxwaynaha, waana tan kaliya ee  lagu gaari karo Horumar iyo midnimo waarta.

Mar walba waxaa leh mudnaanta koowaad Shacabka, Shaqsi kasta ee Masuul ahna,  waxaa Xusi doonto Taariikhda, wixii uu Falo Wanaag iyo Xumaan.

 

W/Q Cumar Farax

Qaranimo-online

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment