405 Views

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo Booqday Safaaradda Soomaaliya Ee Dalka Belgium

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo Booqday Safaaradda Soomaaliya Ee Dalka Belgium
____________________________________________________________________________

Isniin: OCTOBER 17, 2022
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ku sugan dalka Belgium-ka ayaa maanta waxaa uu booqday Safaarada Soomaaliyeed ee Brussels, waxaana ku soo dhaweeyay Amb. Yuunis Yasiin Xaashi, oo ah Danjiraha Benelux iyo Midowga Yurub.


Guddoomiyaha ayaa mid mid u kormeeray xafiisyada iyo dhismaha safaarada isagoona warbxin ka dhageystay safiirka iyo howlwadeennada safaarada, waxaana uu boggaadiyay shaqada baaxada leh ay u hayaan qaranka iyo guud ahaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalkan. Sidoo kale guddoomiyaha ayaa booqday hoyga safiirka oo ay leedahay safaarada kaas oo uu ka muuqdo burbur iyo dayac xoog leh, safiirka ayaana sheegay in dhawaan lagu bilaabi doono dayactir balaaran.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post