3123 Views

Zidane oo shaqada Real Madrid isaga tagay shan maalin kadib ku guulaysashadiisa Champion League

Zidane oo shaqada Real Madrid isaga tagay shan maalin kadib ku guulaysashadiisa Champion League
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 31, 2018 – Tababaraha Real Madrid Zinedine Zidane ayaa ku dhawaaqay go’aan aad uga anfariiriyay jamaahiirta Real Madrid isagoo sheegay inuu ka tagay kooxda.

Xiddigii hore reer France ayaa ku guuleystay saddex koob oo Champions League ah iyo horyaalka La Liga iyo koobabkale sadaxdii sano uu joogay madrid.

Zidane ayaa shaaca ka qaaday kuna sheeagay shir jaraa’id inuu katagay shaqadii kooxda Real Madrid.

Kooxdu waxay u baahan tahay inay sii wadato guulaha waxayna ubaahan tahay isbedel, “ayuu Zidane u sheegay suxufiyiinta.

“Waxaan qaatay go’aan ah inaan sanadka dambe Real Madrid aan sii joogin, go’aan waxaan u qaatay inaan jeclahay Real Madrid, waxaan sidoo kale jeclahay madaxweyne Florentino Perez waana u mahad celinaa la shaqeyntiisii”

“Waan jeclahay kooxdaan iyo madaxweynaha oo i siiyay fursada aan kuleeliyay koo wayn sida Real Madrid, waxaan maamulay koox riyadeyd ahayd, laakiin wax waliba way isbeddelayaan taasna waa sababta aan go’aansaday inaan baxo.”

Madaxwaynaha Real Madrid Florentino Perez ayaa sidoo kale ka hadlay ka bixitaanka kooxda 45 jirkaan.

“Waan jeclaan lahaa inaan ka dhaadhiciyo inuu nala sii joogo balse waxaan aqaan shaqsiyadiisa go’aamada uu qaato inuu ka dhabeeyo. Waxay nagu ahayd gabi ahaanba arin aan filaneyn Real Madrid ahaan. Waxay ahayd wax aan suura gal ahayn inaan ka dhaadhicino inuu nala sii joogo.

Real waligiis gurigiisa ayay u ahaan doontaa”

Zidane ayaa macalin u noqday Real Madrid bishii Janaayo 2016 isagoo ku guulaysay 3daxdii sano uu joogay 9 Koob.

Iyadoo ay xusid mudan tahy inuu yahy macalinkii ugu horeeyay ee ku guulaysata Sadax Champion League oo xiriir ah.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment