648 Views

Hogaamiyaha mucaaradka Uganda oo sheegay in uusan aqbali doonin natiijadii doorashada

Hogaamiyaha mucaaradka Uganda oo sheegay in uusan aqbali doonin natiijadii doorashada
____________________________________________________________________________

January 17, 2021 Hogaamiyaha mucaaradka dalka Uganda Bobi Wine ayaa sheegay in uusan aqbali doonin natiijadii ka soo baxdaay doorashadii khamiistii dhacday taasi oo uu ku guuleystay madaxwayne Musavani.

Waxaa uu BBC u sheegay in boqollaal askari ay isaga iyo xaaskiisa ka hortaagan yihiin inay guriga ka baxaan islamarkana ay qaarkood guriga gudaha u soo galeen.

Madaxwayne Yoweri Museveni ayaa dhankiisa bogaadiyay doorashada oo ku tilmaamay in ay ahayd tii ugu xaqsanayd ee ebed taarikhda Uganda ka dhacda, waxaa uuna mucaaradka uga digay inay rabshado ku kacaan.

Waxaa intii ay doorashada socotay la jaray khadka dhanka internet-ka taasi oo uu Bobi Wine sheegay inay ahayd mid gacan ka geysanaysay in la qariyo wax isdabamarinta baahsan ee jirtay.

Waxaa uu ugu baaqay shacabka Uganda inay diidaan natiijada ka soo baxday doorashada .

Marka laga reebo midowga Afrika ma jirin ururo kale oo caalami ah oo doorashadani kormeera ka ahaa.

Guddiga doorashada ee dalkaasi ayaa meesha ka saaray eedeymaha ku saabsan wax isdabamarinta codadka, oo uu soo jeediyay murashaxa mucaaradka Bobi Wine, oo ah fanaan isu badalay siyaasi.

Laakiin kormeerayaasha doorashada ayaa dhankooda sheegaya in kalsoonida tirinta ay waxyeelo u geysatay khadka internet-ka oo dalkaasi ka go’an seddexdii maalmood u dambeeyay.

Tiro dad ah ayaa la dilay intii ay socdeen ololaha doorashada oo rabshado u dhexeeya booliiska iyo taagerayasha mucaaradka.

Madaxweyne Museveni, oo xukunka hayey 35 sano, ayaa markii lixaad loo doortay xilka madaxwaynanimada islamarkana marka uu mudda xileedka imika loo doortay uu dhameysto waxay micnaheedu tahay in uu 40 sano dalka xukumayay.

Mr Museveni ayaa sida guddiga doorashada sheegeen waxaa uu helay 59% codadkii la dhiibtay , halka Bobi Wine oo ku soo xigay uu helay t 35%, sida ay guddiga shaaciyeen.

Madaxwaynaha xilka haya ayaa marka la eego dhanka codadka waxaa uu helay 5.85 milyan , halka musharaxa mucaaradka Bobi Wine uu helay 3.48 milyan oo cod.

Madaxwayne yuweri Musavani ayaa waxaa uu awoodda dalkaasi la wareegay sanddii 1986, waxaa uuna isu arkaa in uu yahay nin dalkaasi ku soo dabaalay nabad kana badbaadiyay dhibaatooyiin badan.

Balse dadka dhaliila ayaa u arka in uu yahay nin intii uu xilka hayay mucaaradka ka soo horjeeda gacan bir ah ku qabtay .

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post