1197 Views

Wasiirka Gaashaandhigga oo boogaadiyay guulaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ay ka gaareen Duleedka dhuusamareeb..

Wasiirka Gaashaandhigga oo   boogaadiyay guulaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ay ka gaareen Duleedka dhuusamareeb..
____________________________________________________________________________

April 7-4-2021

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda xilgaasriinta Xasan Xuseen Xaaji ayaa  boogaadiyay guulaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ay ka gaaree

n howlgal ay ka fuliyeen deegaanno ka tirsan Galmudug.

“Geesiyaasha naftood hurayaasha ah ee qarankeenn  waxay saaka la wareegeen deegaano hor leh oo ka tirsan Galgaduud , Maamulka  , shacabka iyo masuuliyiintii gacanta ka geestay xoreynta goobahaas waa ku mahadsanyihiin , Waxaan Shacabka Soomaaliyeed guud ahaan ka codsanayaa in CXDS ay ku garab istaagaan ciribtirka argagixisadda “ ayuu yiri Wasiirka Difaaca oo la hadlay idaacadda Ciidamada qalabka Sida

Ciidanka Xoogga ayaa saaka barqadii la Wareegay Deegaanada Labi-dulle iyo Dhabana –dhulkuheys  oo hore  ay gacanta ugu hayeen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post