1644 Views

Farmaajo oo lagu soo dhaweeyay magaalada Gondar

Farmaajo oo lagu soo dhaweeyay magaalada Gondar
____________________________________________________________________________

Muqdisho, Nofeembar 09, 2018 —Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya Mudane, Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa maanta gaaray magaalada Gondar, gobolka Baxar-daar ee dalka Itoobiya, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin kala duwan.

Soo dhaweynta Madaxweynaha waxaa ka qeyb qaatay  Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Eretrea Isaias Afwerki.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo ah Hoggaamiyaha Isbadellada ka socda Geeska Afrika ayaa maanta soo xirtay dhar Casaan ah oo ay xirtaan dadka Itoobiyaan xilliyadda Nabadda.

Kulan ayaa lagu waddaa in ay yeeshaan Hoggaamiyeyaasha , waxaana ay ugu dambeyntii soo saari doonaan War Murtiyeed ku aadan waxyaabihii ay ka wada hadleen.

Xafiiska Wararka  Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment