810 Views

Ciidanka PSF-ta Puntland ka oo Guluf dagaal ku qaaday degaano buuraley ah oo ka tirsan gobolka Bari.

Ciidanka PSF-ta Puntland ka oo Guluf dagaal ku qaaday degaano buuraley ah oo  ka tirsan gobolka Bari.
____________________________________________________________________________

April: Hol 5/4/2021

Saraakiisha ciidamada maamulka Puntland ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgal saacadihii lasoo dhaafay ay ciidanka PSF-ta Puntland ka fuliyeen degaanada buuraleyda ah ee Cal-Miskaad oo  ka tirsan gobolka Bari.

Saraakiishu waxa ay sheegeen in howlagalkaas lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen dagaalamayaasha Daacish, isla markaana uu halkaas ka dhacay dagaal culus oo socday ku dhawaad 48-saacadood.

Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegay  howlgalkaas ay Daacish uga dileen ugu yaraan 24 dagaalame, isla markaana ay ku burburiyeen saldhigyo ay ku lahaayeen deegaanada lagu weeraray ee buuraleyda gobolka Bari.

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post