303 Views

Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka BJFS oo booqday isbitaalada ay ku jiraan dadkii ku waxyeloobay Qaraxyadii isgooyska Soobe

Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka BJFS oo booqday isbitaalada ay ku jiraan dadkii ku waxyeloobay Qaraxyadii isgooyska Soobe
____________________________________________________________________________

Isniin: OCTOBER 31, 2022

Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay booqdeen Cisbitaalada lagu dabiibayo dadkii ku waxyeeloobay, Qaraxyadii lala beegsaday dadka birmu-geydada ah ee lagu gumaaday Isgoyska Zoobe ee Muqdisho,

Xildhibaannada oo mid mid u dul istaagay dhaawacyada ayaa waxa ay Alle uga baryeen inuu caafimaad deg deg ah siiyo, sidoo kale Xildhibaannada ayaa deeq lacag ah gaarsiiyay bukaanada ku jira Cispitaalada.

Xildhibaannada ayaa dhammaan ka codsaday mas’uuliyiinta Dowladda, Hay’addaha gargaarka, Ganacsatada iyo Shacabka Soomaaliyeed in gargaar deg-deg ay gaarsiiyaan goobaha Caafimaadka iyagoo adkeeyay in dhaawacyada weli ay u baahan yihiin dhiig iyo daryeel Caafimaad.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post