1347 Views

Sawiro:-Sida Madaxweyne Xaaf loogu soo dhaweeyay Magalada Hobyo

Sawiro:-Sida Madaxweyne Xaaf loogu soo dhaweeyay Magalada Hobyo
____________________________________________________________________________

muqdisho | QOL | Ogoosto 28, 2019 –Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo xubno la socda ayaa Maanta socdaal aan horay loo sii shaacin waxaa ay ku tageen Magalada Hobyo ee Gobolka Mudug,iyaga oo ka mababaxay Magalada Muqdisho.

 

Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Hobyo kusoo dhaweeyay Gudoomiyaha Degmada Hobyo Agaasimaha Guud ee wasaarada Arimaha Gudaha Galmudug iyo masuuliyiin ay ka mid yihiin kuwa ka qeyb galayay shirka ka socda Magalada Hobyo.

 

 

 

Madaxweynaha ayaa bulshada ku dhaqan Degmada Hobyo waxa uu kaga mahadceliyay sida diiran ee loogu soo dhaweeyay Hobyo waxa uuna inta uu joogo Magaalada la kulmi doona qeybaha kala duwan bulshada.

 

Axmed Ducaale Geelle xaaf ayaa halkaasi sida la sheegay waxaa uu u tegay ka qeyb-galka shirka ay Magalada Hobyo ku leeyiiin mid ka mid ah Beelaha dega deegaannada Galmudug shirkaas oo la filayo in dhawaan la soo geba-gabeeyo.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment