1233 Views

Ma jiraa Xal Dastuuri ah oo looga hortagi karo inuu dhaco firaaq dastuuri ah?

Ma jiraa Xal Dastuuri ah oo looga hortagi karo inuu dhaco firaaq dastuuri ah?
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 08, 2021–Sida aan wada ogsoonnahay , mudda xileedka barlamaanku wuxuu ku ekaa 27 December 2020,sidoo kalane mudda xileedka madaxwaynnuhu  wuxuu isna  ku ekaa  7/2/2021, haddaba waxaa is waydiin mudan ma jiraa xal dastuuri ah oo looga hortagi karo inuu dhaco firaaq dastuuri ah,  waayase cidda xaqa u leh  go’aan ka gaarista  arrimaha masiiriga ah ee dalka?

Sida uu jiddaynaayo  qoddobka 48aad ee Dastuurku , Qaab-dhismeedka Dawladda ee Jamhuuriyadda Federaalku wuxuu ka kooban yahay 2 heerDawladeed ,heerka Xukuumaddu Federaalka iyo heerka Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka , waxaa la isku waafaqsan yahay in ay jiraan dawlad gobaleedyo haysto sharciyad oo mudda xileedkoodii uusan ka dhicin.

Sidoo kale qoddobka 103aad ee Dastuurku wuxuu jiddaynayaa in  inta u dhexaysa taariikhda doorashada guud iyo marka Raisul-Wasaare cusub la dhaarin doono, Raisul-Wasaarihii hore ee xilka hayey iyo Golihiisa Wasiirradu ay sii haynayaan xilka,isla markaana ay   waajibaadka caadiga ah ee Dawlada u  fulinayaan

 si xilgaarsiin ah.

Labaddaas qoddob marka aan eegno waxaa maanta sharciyad haysto oo ah cidda ugu dhaw ee hawlaha dalka oo doorashooyinku ku jiraan maamuli karta Xukuumadda iyo dawlad gobaleedyada.

In Xukuumadda iyo Dawlad gobaleedyadu oo la isku geeyay ay maamulaan arrimaha muhiimka ah ee dalka oo ay ku jirto hirgelinta hannaan doorasho oo raali lagu wadayahay waa xalka dastuuriga ah ee looga hortagi karo inuu dhaco firaaq dastuuri ah.

WQ: Qareen Daahir Carab

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post