903 Views

Howlgal uu booliiska caalamiga ah sameeyay oo lagula wareegay xarumo Internet

Howlgal uu booliiska caalamiga ah sameeyay oo lagula wareegay xarumo Internet
____________________________________________________________________________

Arbaco: June 30 2021

Howlgal uu booliiska caalamiga ah sameeyay, ayaa lagula wareegay xarumaha internet-ka ee shirkad gaar loo leeyahay, taas oo lagu qarin jiray aqoonsiyada iyo halka ay ku sugan yihiin dembiilayaasha internetka.

Booliiska ayaa sidoo kale la wareegay baraha internet-ka ee ay leedahay shirkadda Double VPN.

Waxay ugu beddeleen farriin ku wargelineysaa in dadka isticmaali jiray ay haatan hay’adaha xoojinta sharciga la wareegeen warbixinta iyo xogta ku keydsan baraha shirkadda.

Sidoo kale Howlgalka waxaa ku lug lahaa booliiska dalalka Yurub, Mareykan iyo Canada. Hay’adda booliiska Yurub, ayaa sheegtay in shirkadda aad loogu xayeysiin jiray burcadda internet-ka ee ku hadla afafka ingiriisiga iyo Ruushka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post