960 Views

Madaxweynaha Puntland iyo wafdi uu horkacayo oo soo gaaray magaalada Nairobi

Madaxweynaha Puntland  iyo wafdi uu horkacayo oo soo gaaray magaalada Nairobi
____________________________________________________________________________

Isniin: july 5, 2021

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu horkacayo oo malamahan ku sugnaa magaalada Kismaayo ayaa  safar ugu ambabaxay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Lama shaacin ujeedada safarka Madaxweyne ugu ambabaxay Nairobi, balse wararka qaar ayaa sheegaya inuu kulamo la qaadan doono xubno ka tirsan wakiilada deeq bixiyeyaasha caalamka oo fadhigoodu yahay halkaas.

Sidoo kale Wararka kale ayaa sheegaya in Saciid uu kulamo wada tashi ah ka bilaabi doono Nairobi xili isa soo tarayaan wararka sheegaya inuu qorsheynayo ka qeyb galka tartanka loogu jiro doorashada Madaxweynaha cusub ee Somalia ee dhaceysa dabayaaqada sanadkan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post