813 Views

Mareykanka oo Cune-qabateyn ku soo rogay Saraakiil ka tirsan Ciidamada Suudaan

Mareykanka oo Cune-qabateyn ku soo rogay Saraakiil ka tirsan Ciidamada Suudaan
____________________________________________________________________________

Talaado: March 22, 2022

Dowladda Mareykanka ayaa Cune-qabateyn dhaqaalo ku soo rogtay Saraakiil iyo Askar ka tirsan Booliiska Wadanka Suudaan, kuwaasi oo lagu eedeeyay in xoog u adeegsadeen dadka ka qeybgalay Bannaanbaxyo ka dhacay dalkaasi. 

Bannaanbaxyada ka dhashay afgambigii bishii Oktoobar ee sannadkii hore ka dhacay Suudaan ayaa lagu dilay in ka badan 80 qof, halka in ka badan 3,000 ay ku dhaawacmay. 

Waa markii ugu horeysay oo Mareykanka uu cunaqabateyn dhinaca Hanti ah ku soo rogo Saraakiisha iyo Askarta Ciidamasa Suudaan oo shantii bilood ee la soo dhaafay hardan kula jiray Bannaanbaxyaasha diidan Afgembiga ka dhacay Wadankaasi. 

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post