921 Views

Goorma ayaa la shaacinaa shirkadaha soo saareya shidaalka Soomaaliya?.

Goorma ayaa la shaacinaa shirkadaha soo saareya shidaalka Soomaaliya?.
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | August-06-2020-WDowladda federalka Soomaaliya ayaa la filayaa in ay ku dhawaaqdo shirkaddaha ku guuleystey Ruqsad siinta qandaraasyada shidaalka iyo gaaska markii ugu horaysay horaanta sanadka soo socda.

Maareeyaha Hay’adda Batroolka Soomaaliya (SPA), Ibrahim Ali Hussein, oo wareysigii ugu horeeyay siiyay wakaalada wararka Reuters, ayaa u sheegay, in sanadka soo socda ay soo gabagabeynayaan bixinta qandaraasyada shidaalka.

Ibrahim Ali Hussein oo horey u ahaa la taliyaha wasiirka tamarta Soomaaliya, ayaa sheegay inay dowladdu yareysay bixinta ruqsada 15 baloog oo ay horey u shaacisay, iyadoo hadda kusoo koobtay ilaa 7 baloog sababo la xiriira caqabadaha dhinaca awooda.

Maareeyuhu wuxuu tilmaamay in cudurka coronavirus uu dib u dhigay wadahadaladii u dhaxeeyay dowladda iyo shirkaddaha Shell iyo Exxon Mobil, si loogu beddelo heshiiskii ay horay u wada galeen heshiis wax soo saareed.

Xuseen, oo lataliye u ahaa Wasaaradda Batroolka, ayaa tibaaxay in Covid-19 uu hakad geliyey wada-xaajoodyo ay kula jireen shirkadaha Shell iyo Exxon Mobil kuwaas oo ay dalka u taalo xuquuq ay horey u gateen.

Xuquuqdaas oo ah in ay iibsadeen xirmooyin shidaal kahor inta aysan dhicin dowladdii kacaanka ee uu hogaaminayey madaxweyne Siyaad Barre ayaa ah shan xirmooyin shidaal oo ah nooca laga helay dhanka badda.

“Hadi uusan jiri lahayn Coronavirus, waxaan isku raaci lahayn habka loo marayo, kadibna waxaan heli lahayn heshiiska dhamaadka sanadkan,” ayuu yiri, isagoo u muuqda mid qiraya in ay qandaraaskaas u xayiran yihiin.

“Heshiiskan wuxuu gacan ka geysan doonaa in la soo afjaro xiraanshaha xarumaha shidaalka ee jiray illaa 1990”, ayuu yiri Ibrahim Hussein, isagoo intaas ku daray in Shell iyo Exxon ay ku leeyihiin xuquuq gaar ah sahaminta batroolka Soomaaliya.

Afhayeen u hadlay shirkadda Shell ayaa yiri “waxaan wadnaa wadahadal joogta ah oo wax ku ool ah oo aan la leenahay mas’uuliyiinta Soomaaliya oo ku saabsan qorshe-hawleed lagu beddeli karo heshiiskii jiray.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  _______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post