654 Views

Guddiga xalinta Gobolka Gedo Oo Gaaray goor dhawayd Magaalada Kismaayo

Guddiga xalinta  Gobolka Gedo Oo Gaaray goor dhawayd  Magaalada Kismaayo
____________________________________________________________________________

Axad: July 18, 2021

Guddiga ayaa markii ay kaso dageen garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo, kaddib loo gudbiyay madaxtooyada Jubbaland halkaas oo ay kulan kula yeesheen madaxwayne ku-xigeenka koowaad ee Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aaden. Kulanka ayaa isugu jiray soo dhaweyn iyo kala war qaadasho, waxaana uu guddigu ugu horreyn ka warbixiyay waxyaabihii u qabsoomay mudadii ay ku sugnaayeen magaalada Garbahaarrey ee xarunta Gobolka Gedo.

Guddiga ayaa warbixin ka dhagaystay madaxwayne ku-xigeenka koowaad ee Jubbaland, waxaa uunawarbixin qoto dheer ka siiyay marxaladihii ay soo martay Jubbaland iyo sida ay Jubbaland ugashay dadaal dheer sidii xal waara loogu heli lahayd arrimaha ka taagan Gobolka Gedo, iyo sida ay waxbadan uga tanaasushay si dalku u galo doorasho.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post