276 Views

Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa deegaanka oo tuulada Wabxo ee gobolka Galgaduud 15 sano kadib la wareegay

Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa deegaanka oo  tuulada Wabxo ee gobolka Galgaduud  15 sano kadib la wareegay
____________________________________________________________________________

Khamiis: NOVEMBER 10, 2022

Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ayaa sheegay in ay maanta gudaha u galeen tuulada Wabxo ee gobolka Galgaduud, halkaasi oo tobankii sano ee la soo dhaafay ay gacanta ku hayeen ururka Al-Shabaab.

Wabxo waxay qiyaastii dhawr iyo afartan km u jirtaa degmada Ceelbuur, oo ah magaalo qadiimi ah oo ay Al-Shabaab maamulayeen muddo ka badan toban sano.

Ciidamada Dawladda iyo kuwa deegaanka intii ay ku socdeen Wabxo, waxay horey gacanta ugu sii dhigeen dhawr tuulo, waxana meelaha qaar ku qabsaday iska caabbin ay kala kulmeen dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

Haddaba si aan u helno warrarkii ugu dambeeyay ee Wabxo, waxaan la xiriirnay Xildhibaan Cabdirixiin Axmed Bariise oo ka tirsan baarlamaanka Galmudug oo la socday ciidamada is-garabsanaya ee la wareegay gacan ku haynta Wabxo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post