501 Views

Taliska ciidamada Mareykanka ee Africom oo faah faahin ka Bixiyay Weerarkii shalay ee Camaara

Taliska ciidamada Mareykanka ee Africom oo faah faahin ka Bixiyay Weerarkii shalay ee Camaara
____________________________________________________________________________

Arbaco: August 25, 202

 Taliska ciidamada Mareykanka ee Africom ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey weerar dhanka cirka ah oo ay saacadihii lasoo dhaafay ka fuliyeen deegaanka Camaara oo dhaca koofurta gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Africom ayaa waxaa lagu sheegay inay haatan wadaan qiimeyn ku aadan khasaaraha rasmiga ah ee duqeyntaasi kasoo gaaray xoogaga kooxda Al-Shabaab oo iyaga oo lagula beegsaday, xilli ay weerar culus ku soo qaadeen deegaankaasi.

Africom waxay sheegtay in weerarka uu ahaa mid is difaacid ah, isla-markaana ay qeyb ka ahaayeen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

”Isaga oo kaashanaya dowladda federaalka Soomaaliya, taliska Mareykanka ee Afrika ayaa qaaday weerar is-difaac ah oo wadajir ah oo ka dhan ah dagaalyahannada Al-Shabaab ee dagaalka kula jira saaxiibbadayada Soomaaliya agagaarka Camaara, Soomaaliya, 24-kii August,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay taliska Mareykanka ee Qaaradda Africa.

about:blank Sidoo kale Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday inay ogyihiin in aysan wax khasaare ah soo gaarin dadka dayid ah, sidoo kalena ay sii wadi doonaan duqeymaha dhanka cirka ah oo ay la beegsanayaan dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ee ku sugan gudaha Soomaaliya.

Shalay ayey aheyd markii uu dagaal culus ka dhacay deegaanka Camaara ee gobolka Mudug, kaas oo ka dhashay weerar ay Al-Shabaab ku qaaday saldhg ku yaalla halkaasi.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post