564 Views

Wasiir Fowsiya oo ku baaqday in xayiraad lagu soo rogo dalka

Wasiir Fowsiya oo ku baaqday in xayiraad lagu soo rogo dalka
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 1da Maarso, 2021:Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda xil-garsiinta Marwo Fowsiya Abiikar Nuur ayaa walaac xoogan ka muujisay kiisaska Cuudrka safmareenka ah ee Coronavirus oo dalka kusii kordhaya, kaas oo dad badan u dhinteen kuwo kalena ay karantiil ugu jiraan.

Wasiir Fowsiya oo qoraal soo dhigtay Barteeda twitter-ka ayaa sheegay in sanadkii hore xakameynta Cudurka COVID-19 qayb wayn ka qaatay xayiraado laguso rogay guud ahaan wadanka, waxaana ay dalbatay in dalka markale xayiraad lagu soo rogo.

“Xakamaynta faafidda cudurka COVID19 ee sanadki tagay waxa qayb wayn ka qaatay xayiraado laguso rogay guud ahaan wadanka. Markale waxa aan so jeedinay in xayiraadihi lasoo rogo si looga hortago faafidda heerkeedu si kordhayo ee hadda aan arkayno.

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda xil-garsiinta Marwo Fowsiya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in Shaqada socota ay laf dhabar u ah bulshada ganacsatada Soomaaliyeed iyo ururka dhakhaatiirta Soomaaliyeed, waxaana ay aad ugu mahad celisay shirkadaha gaar ka ah, kuwaas oo muhiim u ah howlaah ka hortagga iy la tacaalida Coronavirus.

Wasiir Fowsiya ayaa dhowr jeer ugu baaqday Shacabka inay ka feejignaadaana faafitanka cudurka, isla markaana Bulshada ay qaataan taalooyinka caafimaad ee loo soo gudbinayo.

Soomaaliya ayaa todobaadyadii la soo dhaafay waxaa aad u sii kordhayay kiisaska cudurka coronavirus, waxaana  Muqdisho iyo gobolada ugu geeriyooday dad badan, iyada oo kiisaska ilaa iyo hadda Wasaaradda Caafimadka ay shaacisay in la diiwaangeliyay ay gaarayaan ilaa 7,257 Ruux.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post