474 Views

Joe Biden oo amray in la mamnuucay soo-dhoofinta shidaalka Ruushka, si looga aarguto duulaanka uu Putin ku qaaday Ukraine.

Joe Biden oo  amray in la mamnuucay soo-dhoofinta shidaalka Ruushka, si looga aarguto duulaanka uu Putin ku qaaday Ukraine.
____________________________________________________________________________

Arbaco: March 9, 2022

Isaga oo si xooggan u weeraraya dhaqaalaha Ruushka, ayaa madaxweynaha Mareykanka Joe Biden wuxuu Talaadadii amray in la mamnuucay soo-dhoofinta shidaalka Ruushka, si looga aarguto duulaanka uu Putin ku qaaday Ukraine.

Dadka Mareykanka waxay sidoo kale xanuun ka dareemi doonaan ajabka shidaalka – ayuu yiri Biden oo qiraya sare ukac ku iman doona shidaalka, balse wuxuu yiri “Difaaca xoriyadda waxay ku fadhin doontaa qiime.”

Xayiraadda so-dhootinta shidaalka ayaa aheyd qeyb muhiim ah oo ka maqneyd cunaqabateenada la saaray Ruushka. Dhoofinta tamarta ayaa Moscow u ah il-dhaqaale oo kaash badan oo kusoo galo.

“Qeyb kama noqon doonno kabidda dagaalka Putin,” ayuu yiri Biden, oo ugu yeeray tallaabada cusub “jug xoog badan” oo ka dhan ah awoodda ay Ruushka ku maal-gelinayaan sii wadidda weerarka.

Biden wuxuu sheegay in Mareykanka ay tallaabadan qaadeen ayaga oo wada-tashi dhow la leh xulufadooda Yurub, kuwaas oo si ka badan Mareykanka ugu tiirsan tamarta Ruushka, islamarkaana qirtay inaysan awoodi doonin inay si deg deg ah ugu biiraan.

Go’aanka Biden ayaa ah isku daygii ugu dambeeyey ee Ruushka looga go’doominayo dhaqaalaha adduunka, laguna xaqiijinayo in duulaanka Ukraine uu noqdo guuldarro asiibta Putin, xitaa haddii uu dhul qabsado.

Ukraine marnaba guul uma noqon doonto Putin,” ayuu yiri Biden.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa tweet ku amaanay tallaabada Biden. “Waa ku mahadsan yihiin Mareykanka iyo madaxweyne Biden inay wadnaha ku dhufteen mashiinka dagaalka Putin ayna suuqyada Mareykanka ka mamnuuceen shidaalka, gaaska iyo dhuxusha Ruushka. Waxaan dalalka iyo hoggaamiyayaasha kale ku boorinayaa inay raacaan.”

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post