1062 Views

Ciidamada Farmaajo oo la wareegay Warbaahinta dowladda “ Xitaa hadaan musqusha aadeyno waxey na weydiinayaan ID-Card”

Ciidamada Farmaajo oo la wareegay Warbaahinta dowladda “ Xitaa hadaan musqusha aadeyno waxey na weydiinayaan ID-Card”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | September 06, 2021:-Ciidamo ka tirsan madaxtooyada gaar ahaan kuwa loo yaqaano Koofi Casta, ayaa la wareegtay guud ahaan amaanka xarunta wasaarada Warfaafinta Soomaaliya oo ay ku dhex yaalaan, TV-ga iyo Raadiyaha dowladda.

Sida wararku sheegayaan, Ciidamadan oo wata gaadiid dagaalka ayaa baaritaano adag marinaya shaqaalaha Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya ee isku dayaya in ay gudaha u galeen xarunta iyo waliba kuwa isaga dhex gudba qeybaha wasaarada marka ay gudaha soo galaan.

Qof kamid ah mas’uuliyiinta wasaarada Warfaafinta ayaa warbaahinta Mustaqbal u sheegay in ninka ugu sareeyo ciidamadan uu ku amray shaqaalaha wasaarada in ay qoorta surtaan aqoonsiyadooda (ID-Cards), iyadoo xarunta dib looga celinayo qofkii aan wax aqoonsi ah wadan.

“ waxyaabaha noogu daran ayaaba ah in marka aan Musqusha (Suuliga) aadeyno ama aan u soocno weyso ay na weydiinayaan aqoonsiyadeena, gabdhaha qaar oo boorsooyinkooda uga soo tegay aqoonsiyadooda ayey ku amrayeen in ay banaanka u baxaan, wallow aan ka xalinay” ayuu yiri qof kamid ah mas’uuliyiinta wasaarada oo aynu la hadalnay.

Sababaha ugu weyn ee madaxtooyada arintan u sameyneyso, ayaa lagu micneeyay in ay kaga hortageyso in gudaha wasaarada ay ku soo dhex dhuuntaan xubno kamid ah wasaaradaha kale ee dowladda ama saraakiil.

Inkastoo xaaladda magaalada Muqdisho ay degan tahay, hadana waxaa taagan xiisado siyaasadeed, taasoo loo maleynayo in ay tahay mida soo dadajisay in Koofi Casta madaxtooyada ay abaaraan Warbaahinta dowladda qeybeheeda kala duwan.

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post