636 Views

Saraakiisha dalka Cameroon oo sheegay in boqolaal qof ay ka qaxeen xuduudda

Saraakiisha dalka Cameroon oo sheegay in boqolaal qof ay ka qaxeen xuduudda
____________________________________________________________________________

Axad: August 15, 2021

Saraakiisha dalka Cameroon ayaa sheegay in boqolaal qof ay ka qaxeen xuduudda waqooyi ee ay la wadaagaan dalka Chad, kaddib markii dagaal ka dhashay biyaha webiga uu dhexmaray xoolaleyda iyo kalluumeysato, kaas oo ay ku dhinteen 18 qof 70 kalena ay ku dhaawacmeen.

Dhaawacyada ayaa loola cararay isbitaallada ku yaal Kousseri, oo ah magaalo ku taal xadka Cameroon iyo caasimadda dalka Chad ee Ndjamena.

Mouhamadou Evele, oo ah 54-jir kalluumeysato ah, ayaa sheegay inuu dhibbane u yahay dagaalka u dhexeeya xoolaleyda iyo kalluumeysatada ee magaalooyinka Logone iyo Chari ee Cameroon.

Waxa uu sheegay in saddex nin oo ku hubaysan qaansooyin, fallaaro iyo baangado ay soo weerareen isaga oo ka kalluumaysanaya webi u dhow Kousseri.

Wuxuu sheegayaa inuusan garanayn meel ay ku sugan yihiin saddex carruur ah oo uu dhalay, kuwaasoo oo ay afduubteen kooxihii weerararka ku soo qaaday.

Madaxweynaha Cameroon Paul Biya ayaa sabtidii wafdi uu hoggaaminayo Midjiyawa Bakari, oo ah guddoomiyaha gobolka Waqooyiga fog ee Cameroon u diray magaalada Kousseri.

Bakari wuxuu sheegay in xoolo dhaqatadu ay xanaaqsanyihiin, maadaamaa lo’da, ariga iyo dameerahoodu ay ku dhaceen godad ay kalluumaysatadu qodeen, si ay u difaacdaan biyaha iyo kalluumeysiga.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post