813 Views

Caasimadda Hirshabeelle oo Go’doon ku jirta, kadib fatahaad xoogan iyo Tuulooyin aan la gaari karin

Caasimadda Hirshabeelle oo Go’doon ku jirta, kadib  fatahaad xoogan iyo Tuulooyin aan la gaari karin
____________________________________________________________________________

May 16 2021

Magaalada Jowhar ee Caasimadda dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa Go’doon ku jirta, kaddib markii tuulooyin dhowr ah oo hoostega Magaaladaas uu fatahaad xoogan ku sameeyeen daadadkii ka dhashay fatahaaddii webiga Shabeelle.

Wasiirka Gargaarka iyo maameynta Musiibooyibka ee Hirshabeelle Cabdimahad Cabullaahi Qoorgaab oo la hadlay VOA-da ayaa u sheegay in Jowhar ay ku jirto xaalad Go’doon, isla markaana waddooyinka soo gala Magaalada ay xireen biyo farabadan oo ka dhashay fatahaaddii webiga.

Waxaa uu sheegay Wasiirka in Caasimadda Maamulka xiligaan ay noqotay mid lagu soo geli karo oo kaliya doon, maadaama ay xirmeen inta badan waddooyinkii laga soo galayay oo ay ugu horreeyso wadada ka timaada dhinaca Garoonka diyaaradaha.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post