1101 Views

Diyaaradda Jubba oo qaadatay taarikada Six Oscar-ka

Diyaaradda Jubba oo qaadatay taarikada Six Oscar-ka
____________________________________________________________________________


Sabti: January 15, 2022

Diyaaradda Jubba Airways ayaa shalay  lagu dhejiyay taarikada Six Oscar-ka Soomaaliyeed waxaana munaasabada ka soo qeyb galay Maareeyaha Guud ee Maamulka Hay’adda duulista Rayidka Soomaaliyeed, Guddoomiyaha Adeegga Diyaaradaha Soomaaliyeed, Agaasimaha, kan Maamulka Guud iyo Howl-wadeennada Shirkadda Jubba Airways.

Cabdiraxiin Cusmaan Dhimbil, Maamulaha Jubba Airways, Saciid Xaaji Cabdulle, agaasimaha Jubba Airways iyo duuliye Cabdilaahi Xaashi, oo hadallo ka jeediyay halkaasi kadib hanashada taarikada Six Oscar-ka ayaa muujiyay farxad mahadcelin intaba ka muujiyay guusha ay maanta Jubba Airways gaartay.

Guddoomiyaha Guddiga Adeegga Diyaaradaha Soomaaliyeed Xasan Xaashi iyo Maxamed Khaliif, taliyaha Boliiska dhinaca Terminal-ka ayaa bogaadin iyo hambalyo u diray Shirkadda iyo milkiilayaasha iska leh ee Jubba Airways.
Axmed Macalin Xasan, Maareeyaha Haya’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo bixiyay rusqadda ayaa ka sheekeeyay marxaladihii kala duwanaa ee laga soomaray, isagoo ku tilmaamay Guul gobanimo leh.

Diyaaradaha ay leeyihiin maalqabeenno Soomaaliyeed oo isaga kala gooshi jiray gudaha iyo dibedda ayaa sanadkii hore billaabay qaadashada taarikada aqoonsiga Six Oscar oo uu wehliyo leesinka duuliyeyaasha taasi oo muujinaysa Summadda Dalkeena ee gaadiidka Hawada caalamka

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post