237 Views

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Sheegay In Weerarkii Maanta Aanu Niyad Jebin Doonin Dagaalka Dowladda iyo Shacabka Ay Ku Ciribtirayaan Khawaariijta

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Sheegay In Weerarkii Maanta Aanu Niyad Jebin Doonin Dagaalka Dowladda iyo Shacabka Ay Ku Ciribtirayaan Khawaariijta
____________________________________________________________________________


Sabti: October 29, 2022

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka naf lacaariga ah ee Khawaarijtu ay ku beegsadeen maanta dadka maatida ah, waxaana uu sheegay in aanu marnaba niyad jabin doonin kacdoonka Shacabka Soomaaliyeed iyo dagaalka ay Dowladda Soomaaliya hormuudka ka tahay ee lagu ciribtiraayo Khawaarijta.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa Allaah uga baryay inuu Janatul Fardowsa ugu deeqo dhammaan shacabkii Soomaaliyeed ee Shuhadada ahaa ee maanta Khawaarijtu ku laayeen Magaalada Muqdishu.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu sheegay in qaraxyada maanta dhacay ay tusaale u yihiin hadafka guud ee Khawaarijta oo ah inay baabi’iyaan ummadda Soomaaliyeed, iyaga oo aan kala sooceyn carruur, dhallinyaro, haween iyo waayeel intaba.

Waxaa mar kale uu Ra’iisul Wasaaruhu ku celiyay in Xukuumadda ay ka go’an tahay sidii loo dabargoyn lahaa kooxda argagixisada ee gabalkoodu sii dhacayo, isagoo shacabkana ugu baaqay in si wadajir ah la isaga kaashado ka hortagga dhagarta ay maleegayaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post