321 Views

Kooxo ku hubeysan bastoolado oo xaley gudaha degmada Dharkeenley ku dilay, Imaamka masaajidka Dabaqeynka ee degmadaasi Sheekh Cabdicasiis Maxamed Xirsi.

Kooxo ku hubeysan bastoolado oo  xaley gudaha degmada Dharkeenley ku dilay, Imaamka masaajidka Dabaqeynka ee degmadaasi Sheekh Cabdicasiis Maxamed Xirsi.
____________________________________________________________________________

Sabti: NOVEMBER 12, 2022

Kooxo ku hubeysan bastoolado ayaa xaley gudaha degmada Dharkeenley ku dilay, Imaamka masaajidka Dabaqeynka ee degmadaasi Sheekh Cabdicasiis Maxamed Xirsi.

Iimaanka ayaa la toogtay xilli uu kasoo baxay masaajidka, waxaana isla markiiba goobta ka baxsaday raggii falka geystay.

Dilka Sheekh ayaa kamid noqonaya dilal qorsheysan oo horey uga dhacay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho

Dhanka kale waxaa saaka xaafadda Sii-Sii ee degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho lagu dilay Sarkaal la sheegay inuu ka tirsanaa Ciidanka dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa Milateriga, kaasi oo lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Xuseen Warsame (Waran ).

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in dabkey watay Mooto nooca Fekon-ta loo yaqaan ay dileen Jeneraal Cabdullaahi Xuseen Waran oo durbadii ku dhintay goobta lagu toogtay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post