1524 Views

Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in Madaxda Itoobiya, Jabuuti,Eritrea iyo Somaliya ku kulmayaan Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in Madaxda Itoobiya, Jabuuti,Eritrea iyo Somaliya ku kulmayaan Muqdisho.
____________________________________________________________________________

Muqdisho, Nofeembar 14, 2018 —Madaxweynaha Somaliya, Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo), ayaa ka hadlay Isbeddelka qaabdhismeedka siyaasadda iyo Dhaqaalaha geeska Afrika iyo faa’idada ugu jirta Shacabka Somaliyed.

Hadal uu Warbaahinta ugu talagalay, ayuu ku soo hadal qaaday kulamadii u dnabeeyay ee yeeshaan dalalka dhaca Geeska Afrika, gaar ahaan Wadamada; Itoobiya, Somaliya iyo Eritrea, Madaxweyne farmaajo waxa uu tilmaamay in guulo muhiim ah laga gaaray kulamadii Asmara iyo Adis-Ababa.

Kulanka 3-aad ee Dalalkaasi, ayuu sheegay Madaxweynaha iney ka dhaceyso magaalada Muqdisho, ma sheegin Madaxweynaha waqtiga rasmi ahaan uu dhici doono Kulanka.

Jabuuti, ayuu sheegay iney suura gal tahay iney ka soo qeybgasho Kulankan Muqdisho ka dhacaya, Waloow aaney goob joog ka eheyn labadii kulan ee u danbeeyay.

Dhinaca Kale, Madaxweynaha waxa uu soo hadal qaaday Isbadalka ka dhacay dalka Itoobiya 10-kii bilood ee la soo dhaafay oo uu xafiiska maamulayay Ra’iisul Wasaare Abiye Ahmed.

Itoobiya, ayuu sheegay iney faragelin toos ah ku heysay dalkan, balse sanadihii danbe laga baaqsaday arintaasoo, taasoo ku timid dadaal ay bixisay Dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment