312 Views

Madaxweynaha Uganda wiilkiisa oo laga qaaday xilka kadib Caro ka dhalatay hanjabaad uu u jeediyay Dowlada Kenya

Madaxweynaha Uganda wiilkiisa oo laga qaaday xilka kadib Caro ka dhalatay hanjabaad uu u jeediyay Dowlada Kenya
____________________________________________________________________________

Talaado: OCTOBER 4, 2022

Labo-xiddigle Janaraal, Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiilka uu dhalay madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, ayaa laga qaaday xilkii uu hayay ee ahaa taliyaha ciidamada dhulka.

Hase yeeshee, waxaa loo dallacsiiyay darajada Janaraal buuxa, oo ah heerka ugu sarreeya ee laga gaaro militeriga dalka Uganda.

Waxa uu sidoo kale sii ahaan doonaa la-taliyaha madaxweynaha ee howlgallada khaaska ah.

Janaraal Kainerugaba waxa uu horay u ahaa taliyaha ciidamada khaaska ah ee u xil saran ilaalinta madaxweyne Yoweri Museveni.

Sarkaalkan oo hoggaaminayay ciidamada Uganda ee howlgalka u tagay Soomaaliya, haddana abaanduule u ahaa guutada la dagaallanka kooxda fallaadaga ah ee ADF ee Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Congo, ayaa markii dambe waxa uu noqday taliyaha ciidamada dhulka ee Uganda.

Lama oga in xil ka qaadista iyo dallacsiinta hadda lagu sameeyay ay xiriir la leeyihiin hadalladiisii muranka dheliyay ee uu Twitterka kusoo qorayay labadii maalmood ee ugu dambeeyay.

Isniintii, Janaraal Kainerugaba waxa uu bartiisa Twitter-ka kusoo qoray in “isaga iyo ciidankiisa ay labo isbuuc ku qaadan karto in ay la wareegaan caasimadda waddanka deriska la ah ee Nairobi.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post