1176 Views

Sawirro:-Guddoomiyaha Cusub Ee Gobolka Hiiraan Oo Maanta Xilka La Wareegay

Sawirro:-Guddoomiyaha Cusub Ee Gobolka Hiiraan Oo Maanta Xilka La Wareegay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL July 13, 2019 —Guddoomiyihii ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa Maanta si rasmi ah xilka ugu wareejiyay, Cali Maxamed Caraale oo ah Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Hiiraan oo uu muddo ku dhow Bil kahor uu soo magacaabay Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle.

Munaasabadda xil wareejinta oo ka dhacday Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare,Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Cismaan Maxamed Barre,Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka,Mas’uuliyiin ka tirsan laba Golle Hirshabeelle,Guddomiyihii hore ee Gobolka iyo marti sharaf kale.

“Waxaan u mahadcelinayaa Gudoomiyihii hore ee Yuusuf Dabageed oo aqbalay dhex dhexaadintii ay bulshada iyo Masuuliyinta wadeen sidoo waxaan u hambalyeynayaa Gudoomiyaha cusub oo aan leeyahay ilahay hakuu saqiro Masuuliyadan culus ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle kuu igmatay”ayuu yiri Sheekh Cismaan Barre.

Sidoo kale Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ayaa isna u mahadceliyay Yuusuf Dabageed iyo Madaxdii ka soo qeyb gashay Munaasabadda xil wareejinta.

 

Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Hiiraan Cali Maxamed Caraale ayaa uga mahadceliyay Guddoomiyihii hore waxyaabaha u qabsoomay, isla markaana uu xusay in uu si cadaalad ah ugu adeegi doono bulshada Gobolka Hiiraan.

 

Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa iska diiday inuu xilka Wareejiyo,kadib markii Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle xilka looga qaaday,hayeeshee dadaalo dheer kadib ugu dambeyntii xilka ayuu Maanta si rasmiga u wareejiya

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment