867 Views

Vladimir Putin oo Dalalka reer Galbeedka Hordhigay Dalab Cajiib ah oo lagu soo afjaraayo Dagaalka Ukrain ka Socda.

Vladimir Putin  oo Dalalka reer Galbeedka Hordhigay Dalab Cajiib ah oo lagu soo afjaraayo Dagaalka Ukrain ka Socda.
____________________________________________________________________________


Arbaco: May 4, 2022

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa sheegay in dalalka reer Galbeedka ay awoodaan inay gacan ka gaystaan sidii loo soo afjari lahaa dagaalka, taas oo ku iman karta buu yiri iyagoo cadaadis badan saara madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, dhanka kalana ay joojiyaan hubka ay ku baritaarayaan Kyiv.

Hadalkan ayuu Putin ku soo qaaday wadahadalkii ugu horreeyay ee dhanka taleefanka ah oo muddo ku dhaw bil uu la yeesho madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron.

Bayaan lagu daabacay barta madaxtooyada Ruushka ayaa lagu sheegay in Putin uu xusay in dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub ay iska indhatiraan “dambiyada dagaal” ee uu aaminsanyahay in ciidammada Ukraine ay galeen, isagoo dhanka kale ku eedeeyay inay madaafiic ku bartilmaameedsadaan xaafadaha la deggan yahay ee gobolka Donbas.

Hasayeeshee waxaa arrintaas gaashaanka u daruuray ciidammada Ukraine.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post