2157 Views

Ciidamo gaar ah oo loo sameeyey sugida amniga Degmada Balcad

Ciidamo gaar ah oo loo sameeyey sugida amniga Degmada Balcad
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 01, 2018 – Ciidamada Amniga ee Maamulka Degmada Balcad Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa isku-dhaf lagu sameeyay si ay uga wada Qeyb qaataan Sugida Amaanka Degmadaas

Isku-dhafkaas ayaa yimid kadib markii Maalintii Shalay ahayd ay ciidamada dhex martay israsaaseyn koobaan taas oo aan wax khasaaro ah geysan sida dadka deegaanka inoo xaqiijiyeen.

Isku dhafkan ayaa waxaa Goob joog ahaa Taliyaasha Ciidamada Booliska iyo Nabad sugida Ee Gobolka Shabeelaha dhexe,Xildhibaano katirsan Hirshabeelle iyo Masuuliyiinta Maamulka Degmada Balcad oo uu ugu horeeyey Guddoomiyaha degmada Balcad Qaasim Cali Nuur.

Qaar kamid ah Masuuliyiinta Goobta ka hadlay ayaa Ciidamada kula dar daarmay in ay Iska xilsaaraan Sugida Amniga Degmada Balcad si Bulshada magaaladaas ay si wanaagsan ugu noolaadaan.

Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe waxa ay ka mid tahay degmooyinka dhanka amniga ugu wanagsan gobolkaas,waxana dadka ku nool badi ay yihiin xoolaleey iyo Beeraleey.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment