1215 Views

Puntland oo Go’aan ka soo saartay Ajaanibta ka Shaqeeysa Degaannada Maamulkaas

Puntland oo Go’aan ka soo saartay Ajaanibta ka Shaqeeysa Degaannada Maamulkaas
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 15, 2019–Wasaaradda Shaqada iyo shaqaalaha, dhalinyarada iyo ciyaaraha dowlad Goboleedka  Puntland ayaa amar dul-dhigtay Shaqaalaha Ajaanibta ah ee ka howlgalla deegaanada Puntland, kadib War-Saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda.

 

War-Saxaafadeedka ayaa dhammaan waxaa lagu amray shirkadaha iyo hay’adaha kala duwan ee ka hawlgala degaannada Puntland, in ay mudda bil gudaheeda ku soo gudbiyaan xogta shaqaalahooda oo dahmeystiran.

Wareegto ka soo baxday xafiiska Agaasimaha guud ee wasaaraddaasi, Axmed Maxamuud Cabdalle (Tigaana) oo laga tix-raacay xeerka shaqaalaha rayidka ah ee Puntland ayaa Hay’adaha lagu amray in aysan shaqaalayn karin qof aan hab sharciga waafaqsan soo marin.

 

Hoos Ka Akhriso Wareegtada oo dhameystiran.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment