1518 Views

Uganda iyo DRC oo sheegay in ay guulo ka gaareen dagaalka ka dhanka ah ADF

Uganda iyo DRC oo sheegay in ay guulo ka gaareen dagaalka ka dhanka ah ADF
____________________________________________________________________________

Muqisho |QOL|Axad: December 12, 2021—Ciidamada Uganda iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC) ayaa sheegay in ay guulo ka gaareen dagaalka ay kula jiraan maleeshiyaadka hubaysan Allied Democratic Forces sida lagu soo xigtay xafiiska isku xirka howlgaladda.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ciidanka isgarabsanaya lagu arkay gobolka Beni ee waqooyi bari DRC iyaga oo wada howlgal ka dhan ah jabhadda ADF oo lagu eedeeyay in ay weeraro argagixiso ka fuliyeen magaaladda caasimada u ah Uganda ee Kampala.

Xafiiska isgaarsiinta ee howlgalka ayaa sheegay in afar xero oo ADF ah lagu burburiyay  howlgalka laguna soo qabtay 34 ka mid ah argagixisada ADF.

Howlgalkaan oo ay si wadajir ah u fulinayaan ciidanka milatariga Uganda iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC  ayaa billowday 30-kii bishii November.

Xafiiska Qaranimo Online |Mogdishu

_______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post