987 Views

Xildhibaanada Baarlamaanka oo loo qeybiyay sharciga doorashooyinka

Xildhibaanada Baarlamaanka oo loo qeybiyay sharciga doorashooyinka
____________________________________________________________________________

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta loo qeybiyay sharciga doorashooyinka heer Federaal oo ay dhowaan soo gabagabeeyeen diyaarintiisa Guddi KMG ah oo ahaa Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka.

 

 

 

Kulanka wadajirka ah ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ay maanta yeesheen ayaa lagu qeybiyay nuqulada sharciga doorashooyinka heer Federaal oo ay horay u soo gudbisay Xukuumadda, balse wax ka bedel ay ku soo sameeyeen sharcigaas Guddi ka kooban 15 Xildhibaan oo 3-dii bil ee la soo dhaafay ku howlanaa diyaarinta sharcigaas.

 

 

 

Baarlamaanka ayaa la filayaa in maalmaha soo socda uu guda galo dooda sharcigan, iyadoo ay Xildhibaanada ku soo akhrisan doonaan muddo labo cisho, kaddibna ay ka doodi doonaan, si ugu dambeyn loo meel mariyo.

 

Kulankii maanta ee wadajirka ay u yeesheen Golaha Shacabka ayaa waxaa ka soo qeyb galay illaa 186 Xildhibaan iyo Senator, waxaana ka dhex muuqday Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Xildhibaan Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

 

Guddoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Mursal ayaa dhowaan sheegay in sharciga doorashooyinka ay ansixin doonaan horaanta bisha December.

 

Beesha Caalamka ayaa ku cadaadineysa dowladda Federaalka in kama dambeys dhamaadka sanadkan la soo saaro sharciga doorashooyinka, si sanadka 2020 uu dalka ugu diyaar garoobo doorashooyin.

 

 

Xafiiska WArarka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment