1095 Views

QM oo War kasoo saartay dadka sida qasabka ah looga musaafuriyay laas-Caanood

QM oo War kasoo saartay dadka sida qasabka ah looga musaafuriyay laas-Caanood
____________________________________________________________________________

Muqdisho|QOL|October 05, 2021—-Hay’adaha Arrimaha Bani’aadannimada u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin xarigga iyo barakicinta khasabka ah ee in ka badan 1,000  isugu jira haween & carruur ay Somaliland kasoo musaafurisay magalada laa- Canood ee  Gobolka Sool 2-dii iyo 3-dii Bishaan Oktoobar.

Waxaa ay sheegeen inay wadaan isku –dubbaridayaan qiimeyn bani’aadamnimo oo deg -deg ah, si loo dogaado  tirada dadka ay dhibaatadu saameysey, baahidooda deg dega ah si loogu helo meelo kumeel gaar ah, iyada oo lala kaashanayo maamulka Puntland.

“ Waxaan aad uga walaacsannahay warbixinnada barakac khasab ah oo la qorsheeyay maalmaha soo socda. Waxaan ugu baaqeynaa hay’adaha samafalka inay bixiyaan oo dedejiyaan gargaarka degdegga ah, iyadoo lala kaashanayo maamulada maxalliga ah, si loo helo xal waara,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay hay’adda isku-daridka gargaarka QM ee UNOCHA.

Ugu dambeyn Hy’adda  UNOCHA ayaa ugu baaqday Somaliland in ay si taxaddar leh u dhaqmaan oo ay helaan xal waara oo lagu xushmeynayo xuquuqda iyo sharafta dhammaan dadka ay dhibaatadu saameysey.

Degaano ka tirsan Puntland sida Gobolada Nugaal iyo Mudug ayaa lagu soo dhaweeyay dadkii Somaliland kasoo musaafurisay Magaalada laas-Caanood, waxaana warar soo baxay ay sheegayaan in Somaliland ay qorsheyneyso in degaano kale ay kasoo musaafuriso dad kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya.

Xafiiska \Qaranimo Online|Muqdisho

_____________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post