849 Views

Wariyihii labaad oo lagu xiray Magaalada Beledweyne

Wariyihii labaad oo lagu xiray Magaalada Beledweyne
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 24, 2020 –Xalay booliska Magaalada Beledweyne waxaa ay Hotel uu ku sugnaa ay ka soo xireen Wariye Cabduqaadir Maxamed Faarax  Dulyar oo Wareystay Janeraal Abuukar xuud oo maleeshiyaad badan ku heysta duleedka Beledweyne kana soo horjeeda Maamulka Cusub ee hir-Shabeelle.

Hayeeeshee Maanta Booliska Beledweyne waxaa ay xireen Agaasimaha Idaacadda Hiiraan Weyn ahna guddoomiyaha Ururka Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA Wariye Maxamed Cusmaan Makaraan.

Wariye Makaraan ayaa xilliga la xirayay waxaa uu booqasho ugu tegay wariye Cabduqaadir Maxamed Faarax  Dulyar oo ku xiran Saldhiga Booliska Magalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Lama oga Sababta ka dambeeysay Xariga Agaasimaha Idaacadda Hiiranweyn Maxamed Cismaan Makaraan, iyada oo laamaha Amniga Magaalada Beledweyne aysan weli faah faahin ka bixin.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post