2685 Views

Wasiirka Maaliyadda oo kormeeray Howlaha Dekadda Muqdisho

Wasiirka Maaliyadda oo kormeeray Howlaha Dekadda Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May  23, 2017 – Kormeerka wasiirka Maaliyadda uu maanta ku tagay dekadda Muqdisho ayaa waxaa ku wehliyay wasiir ku xigeenka wasaaradda iyo qaar kamid ah howlwadeenada kaas oo loogu kuurgalayay sida ay u socoto shaqada dekadda gaar ahaan howlaha canshuuraha.

Maamulaha furdada Xamar, Axmed C/laahi Samow oo ka hadlay kulan shaqaalaha furdada iyo madaxda wasaaradda halkaas ku yeesheen ayaa ka warbixiyay shaqada ay hayaan.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda C/laahi Sh Cali Qaloocow ayaa sheegay in kormeekoodu uu ku qotomo dhiirigelinta shaqaalaha iyo ilaalinta Amaanada dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

C/raxmaan Ducaale Beyle, wasiirka Maaliyadda ee dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in dakhliga dowladda  gudaha uu si weyn u kordhay.

Qaar kamid ah shaqaalaha furdada Xamar ee wasiirka la kulmay ayaa codsaday in duruufaha nolaleed ee shaqaalaha dowladda xil weyn iska saarto.

Wasiirka maaliyadda tixraacayay cabashada shaqaalaha furdada Xamar ayaa u sheegay in dowladdu ku dadaaleyso sidii ay u heli laahaayeen xuquuqdooda isla markaana loo baahan yahay in qofkasta xil gaar ah iska saarto shaqada Qaranka..

Wasiir Beyle, ayaa sidoo kale, sheegay in xafiisyo waasac ah loo sameyn doono shaqaalaha maadaama kuwo hadda ay ku howlgalaan aan ku filneyn.

Isagoo tilmaamay in shirkadda maamusha dekadda Muqdisho ee ALBEYRAK ay ku Howlan tahay in ay xal u hesho bacaad la sheegay in ay  xireen marsada taas oo keentay in maraakiibta qaar ku adkaato in ay ku soo xirtaan halkaas.

Madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka soomaaliya Maxamed cabdulaahi farmaajo ayaa  gaaray dalka jabuuti iyadoo halkaasi si diirran loogu soo dhaweeyay

.

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment