570 Views

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo dalka Koofur Afrika loogu geystay dil & dhaawac

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo dalka Koofur Afrika loogu geystay dil & dhaawac
____________________________________________________________________________


Sabti: June 4, 2022

Xalay waxaa magaalada Cape Town ee dalka Koofur Afrika dil loogu geystay muwaadiniin Soomaaliyeed kuwaas oo lagu weeraray goobo ganacsi oo ay ku laahaayeen Xaafada Strand.

Weerarka lagu dilay ganacsatada Soomaaliyeed waxaa fuliyay koox burcad afrikaan ah, iyagoo dil u geystay laba will, waxaana ay dhaawac ahaan ugu tageen saddex dhalinyaro ah, kuwaas oo loola cararay Isbitaal si loogu soo dabiibo.

Waxaa la sheegay in 3-da dhaawac ah labo kamid ah isbitaalka laga saaray kadib markii dhaqaatiirta ay sheegeen in aysan waxba ka qaban karin, maadama dhaawaca soo gaaray uu ahaa mid culus.

Muddooyinkii ugu dambeeyay, waxaa dalka Koofur Afrika dilal qorsheysan loogu geysanayay muwaadiniin Soomaaliyeed oo dalkaas u tagay inay ka shaqeystaan, hasayeeshee ma jirto dowlad wax iska weydiisay arrintaan, iyadoo uu sii kordhayo dilalka dalka Koofur Afrika loogu geysanayo ganacsatada Soomaaliyeed.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post