912 Views

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Tunisia oo cambaareysay weerarkii magaalada Nice ee dalka Faransiiska, Xili Muwaadin Tunisia uu Weerarka gestay

Wasaaradda Arrimaha Dibadda  Tunisia oo  cambaareysay weerarkii  magaalada Nice ee dalka Faransiiska, Xili Muwaadin Tunisia  uu Weerarka gestay
____________________________________________________________________________

Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Tunisia ayaa cambaareysay weerarkii toorreyda loo adeegsaday eek a dhacay magaalada Nice ee dalka Faransiiska.

Waaxda caddaaladda dalkaas ayaa sidoo kale sheegtay inay fureyso baaritaan la xiriira eedeysanaha loo soo qabtay falkaas.

Inkastoo booliiska Faransiiska uu aaminsan yahay in ninkii weerarkaas soo qaaday uu u dhashay dalka Tunisia, haddana dalkaas ku yaalla waqooyiga Afrika ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay si weyn ula dagaallamay khatarta uga imaaneysa weerarrada ay geystaan ururka Daacish.

Shan sano kaddib markii koox Islaamiyiin ah ay dalka Tunisia ku dileen dalxiisayaal, toogasho ka dhacday labo meel oo dalkaas ka tirsan, Tunisia waxay dadaal u gashay ka hortagga qorshooyinka weerar ee kooxda Daacish iyo inay si degdeg ah uga jawaabto weerarrada dhaca.

Si kastaba, weerarro kale oo yar yar ayaa weli khatar ku haya Tunisia.

Dadka ka soo jeeda Tunisia waxay ka mid yihiin ajaanibta ugu badan ee ku jira kooxda Daacish, inkastoo kuwo badan ay ku dhinteen dagaallada Suuriya iyo Ciraaq, haddana qaar baa oo dalkooda ku soo laabtay ayaa xabsi la geliyay.

Koox Al-Qaacida ka tirsan ayaa iyadana ku dhuumaneysa buuraha aanan la geli karin ee u dhaxeeya xadka Tunisia iyo Algeria, balse weerarro kama geysan karaan meelo dhaafsan halkaas.

Weerarkii ugu weynaa ee ugu dambeeyay ee ka dhaca Nice waxaa sidoo kale fuliyay nin u dhashay Tunisia oo Faransiiska galay sanadkii 2005. Gaari xamuul ah ayuu jiirsiiyay dad ka qeyb galayay munaasabad, sanadkii 2016, isagoo halkaas ku dilay 86 qof.

Inkastoo isbeddelkii ka dhacay Tunisia sanadkii 2011uu sare u qaaday dimuqraadiyadda iyo xorriyatul-qowlka dalkaas, haddana wax weyn kama tarin xaaladda nololeed ee bulshada iyo dhaqaalaha, iyadoo da` yar badan ay isku dayaan inay tahriibaan.

Bishii September, Talyaaniga ayaa sheegay in tirada muhaajiriinta sanadkii la soo dhaafay doonta ku galay dalkaas ee soo jaray badda Mediterraneanka, iyagoo aalaaba taga jasiiradda yar ee Lampedusa ay sare u kaceen.

Lampedusa waxay keliya 130 km (80 meyl) u jirtaa xeebta Tunisia, dhalinyarada dalkaas eek u nool magaalooyinka dekadda leh ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay inay mar walba isku dayaan inay raacaan doomaha habeenkii baxa, si ay u galaan dalalka Yurub.Article share tools

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post