936 Views

Qaraxa miino oo goor dhawayd ka dhacay xaafadda Gubta ee degmada Dayniile.

Qaraxa miino oo goor dhawayd ka dhacay xaafadda Gubta ee degmada Dayniile.
____________________________________________________________________________

isniin: September 20, 2021

Waxaa goor dhawayd magaalada Muqdisho ka dhacay qarax xoogan oo laga maqlay inta badan Degmooyinka Gobolka banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in Qaraxaan uu geestay qasaare iskugu jiray dhimasho iyo dhaawac, waxaana la sheegtay in lala eegtay gaari Spacio ah oo ay wateen Ciidamo ka tirsan Dowlada Soomaaliya.

Ku dhawaad qaraxan waxaa ku dhintay dad gaaraya ilaa 5 qof , halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaasi ka badan, sida ay saxaafada u sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo meydadka iyo dhaawaca dadka ka soo qaaday halkaasi, kadibna xiray meesha ay wax ka dhaceen.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post