579 Views

Senator Manchin oo dharbaaxo siyaasadeed qabadsiiyay Biden

____________________________________________________________________________


Isniin: December 20, 2021

 
Dhabarjab weyn oo siyaasadeed ayaa soo gaaray madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, kaddib marki uu Senator Joe Manchin oo dimoqraaddi ah uu diiday inuu taageero qorshaha dib u qaabeynta Deegaanka iyo Bulshada Mareykanka ee Aqalka Cad.

Qorshahan oo ay ku kaci laheyd xirmo dhaqaale oo gaareysa $2 trillion oo dollar ayuu madaxweyne Biden ku rabaa, in dib loogu qaabeeyo kaabayaasha dhaqaalaha, sida waxbarashada, isbaddalka cimmilada, daryeelka waayeelka iyo carruurta.

Dimoqraadiga ayaa u baahan in ay helaan 51 cod, si uu xeerkani u meel maro. Golaha Senetka oo ka kooban 100 ayay dimoqraadigu ka heystaan 51 kursi.Hase yeeshee senator Munchin oo ah dimoqraadi laga soo doorto gobolka West Virginia oo ah gobol dhaqan ahaan Jamhuuri ah, ayaa u sheegay Telefishanka Vox News u sheegay inuusan taageeri karin qorshahan.

Arrintan ayaa dhabaaxo weyn oo siyaasadeed ku noqon doonta madaxweyne Biden iyo xisbigiisa dimoqraadiga, xilli ay soo dhaw yihiin doorashooyinka Koongareeska Mareykanka.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post