561 Views

Golaha Wakiillada ee Mareykanka oo meel mariyay hindise sharciyeed

Golaha Wakiillada ee Mareykanka oo  meel mariyay hindise sharciyeed
____________________________________________________________________________

.

Sabti: July 16, 2022

Golaha Wakiillada ee Mareykanka ayaa Khamiistii meel mariyay hindise sharciyeed sii adkaynaya qorshaha uu Madaxweyne Joe Biden ku doonayo in uu diyaaradaha dagaalka ee noocoodu yahay F-16 uga iibiyo Turkiga.

Xildhibaannada Congress-ka ayaa isbaddal ku sameeyay Xeerka Difaaca Qaranka, si aysan diyaaraddaas si fudud gacanta ugu galin Erdogan.

Frank Pallone iyo Chris Pappas oo ka tirsan xisbiga Dimuqraaddiga ayaa mooshinkan horgeeyay aqalka, waxaana lagu ansixiyay aqlabiyad dhan 244 cod, halka 179 cod looga soo horjeestay.

Shuruudo cusub ayaa lagu xiray Madaxweynaha Mareykanka haddii uu tallaabo u qaadayo in uu diyaaraddaas ka iibiyo Turkiga.

Waxaa shuruudaha ka mid ah in Mareykanka uusan diyaaradaha F-16 siin karin Mareykanka ilaa dowladda ay ka caddeyso in tallaabadaas ay muhiim u tahay amniga qaranka Mareykanka.

Sidoo kale waxaa maamulka khasab ku ah in ay caddeeyaan tallaabooyinka ay u qaadeen xaqiijinta in diyaaradahaas marka Turkiga la siiyo uusan ku fulin doonin duullimaadyo aan fasax loo haysanin oo ay ku maraan hawada Giriigga.

Waa tallaabadii ugu dambaysay ee uu Aqalka Congress-ka u qaado si uu u xakameeyo in diyaaraddan casriga ah loo gacan galiyo Turkiga oo Mareykanka la ah xulafo ay ku wada jiraan isbahaysiga NATO.

“Ma aqbali karno in Erdogan uu sii wado in isagoo ka faa’iidaysanaya ka mid ahaanshaha NATO uu ka dhuunto cawaaqibka ka dhalanaya ficilladiisa,” ayuu yiri Frank Pallone oo ah xildhibaanka keenay mooshinka.

Sharciga sanadlaha ah ee miisaaniyadda ku baxda waaxda difaaca Mareykanka, oo sanadkan la saadaalinayo inay kor u dhaafto $800 oo bilyan oo doolar, ayaa sidoo kale la hor gayn doonaan Aqalka Sare ee Senate-ka, si uu codka ansixinta ugu qaado.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post