1215 Views

Diyaraad Rakaab Oo Ku Dhacday Webi Ku Yaalla Mareykan

Diyaraad Rakaab Oo Ku Dhacday Webi Ku Yaalla Mareykan
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 04, 2019 –Diyaaradaasi oo ay la socdeen 136 qof oo rakaab ayaa ku burburtay waddada ay diyaaradaha ku soo degaan ee Garoon Diyaaradeed oo ku yaalla meel ku dhow magaalladda Jacksonville ee Gobalka Florida ee dalka Maraykanka.

Diyaaradaasi oo ka soo ambabaxday Saldhigga Ciiddanka Badda ee Guwatanamo Bay oo ku yaalla  dalka Kuuba ee Havana ayaa la sheegay inay ka baxday waddada Runwayg-ga, kuna dhacday Webi kaabiga ku hayey Garoonka.

Afhayeen u hadlay Saldhigga Diyaaradaha Ciiddanka Badda ayaa sheegay in dadkii la socday diyaarada la badbaadiyey, isla markaana ay Kooxaha ka shaqeynayaan sidii ay u kontarooli lahaayeen inuu shidaalka diyaaradda ku daatay biyaha Webiga.

Diyaaradda waxa la sheegay inay si kedis ah uga baxday Garoonka, ka hor inta aysan ku dhici Webiga Saint Johns River.

Diyaaradda burburtay waxaa ku buufsanaa Loogadda shirkadda Miami Air International, balse Shirkadda kama aysan jawaab-celinin mar ay Wakaalladda Wararka AP la xiriireen.

 

Shirkadda farsamaysa Diyaaradaha ee Boeing waxay sheegtay inay ka war hayaan shilkaasi, isla markaana ya ururinayaan Warbixin, sida ay ku sheegtay Twitter-kooda.

 

Diyaaradaha nooca Boeing 737 waaxaa bilooyinkii ugu dambeeyey soo wajahday qalqal farsamo, waxayna 2 ka mid ah Diyaaradahaasi ku burbureen dalalka Ethiopia iyo Indonesia, iyado oay boqolaal qof ku naf waayeen.

 

Inta badan dalalka Caalamka wey joojiyeen inay adeegsadaan Diyaaradaha Rakaabka ee Boeing 737 sababo la xiriira burburkii ku yimid Diyaaradaha noocaasi ah.

 

Shirkadda Being 737 waxaa soo wajahay culays dhaqaale, waxayna Khubaradu dadaal ugu jiraan inay cillad bixiyaan Nidaamka Xogta hagida diyaaaradahaasi oo ay dhowr Diyaaradood horey ugu burbureen.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment