846 Views

Doorashada madaxtinimada dalka Jabuuti oo maanta loo darreeray, Madaxweyne Geele oo markii 5 Musharax ah

Doorashada madaxtinimada dalka Jabuuti oo maanta loo darreeray, Madaxweyne Geele oo markii 5 Musharax ah
____________________________________________________________________________

April 9-4-2021

Wararka ka imaanaya dalka Jabuuti ayaa sheegaya in Dalkaas ay ka bilaabantay maanka oo Jimco Doorashadii dalkaasi, loona dareeray goobaha cod bixinta.

Madaxweynaha taladda dalkaasi Ismaaciil Cumar Geelle ayaa markii shanaad u tartamaya xilka madaxweynimada iyadoo musharaxa kaliya ah ee la tartamaya aanu maalmihii ugu dambeyay sameynin wax ololaha ah.

Zakariye Ismaaciil waa ninka kaliya ah ee la tartamaya madaxweyne GeelleImage caption: Zakariye Ismaaciil waa ninka kaliya ah ee la tartamaya madaxweyne Geelle

Ma jira guddi madax bannaan oo maamula doorashooyinka Jabuuti, waxaana howlaha doorashooyinka dusha kala socda wasaaradda arrimaha gudaha.

Mucaaradka ayaa qaadacay doorashada, iyagoo ku eedeyay madaxweyne Geelle inuu is hortaagay meel marinta heshiis ay mucaaradka iyo dowladda 2014-kii isku afgarteen in la alkumo guddi madax bannaan oo howshiisu tahay diyaarinta doorashooyinka.

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post