1179 Views

SAWIRO:-Wafdi ka socda Dowladda oo Shir uga qeyb-galay Hindiya

SAWIRO:-Wafdi ka socda Dowladda oo Shir uga qeyb-galay Hindiya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 1, 2019–Shirkan oo ka dhacay Caasimadda Dalka Hindiya ee New Delhi ayaa waxaa Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ka qeyb galeysaa sanadkii  labaad oo xiriir ah, iyada oo casuumaad rasmi ah ka heshay ISA (INTERNATIONAL SOLAR ALLEINCE)  oo ay dowladda Soomaaliya ka mid tahay dowladaha asaasiyaasha ISA ( International solar alliance ) oo xaruntiisa tahay New delhi ee caasimaddad dalka Hindiya.

 

Shirkan waxaa Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ku matalayay Wasiir ku-xigeenka Wasaradda, Mudane: Cismaan Libaax Ibraahim.

 

Wafdiga Wasiirka waxaa Shirka ku weheliyay, Marwo: Fadumo Abdullahi Mohamud, Safiiradda Soomaaliya u fadhisa Dalka Hinida, Caasimaddiisa – New Delhi, U qaybsanaha arrimaha ganacsiga ee Safaaradda Soomaliya ee Hinida, Mudane Maxamed Cabdi Sheikh Aaden iyo Madaxa Solarka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyradka Biyaha Mr. Abdifatah Abshir Ibrahim.

 

Shirkan waa mid heer Wasiir oo ah sanadkiiba halmar la qabto, waana markii labaad oo la qabto, waxaana sanadan lagu magacaabay  ( SECOND ASSEMBLY OF THE INTERNATIONAL SOLAR ALLIANCE ) waxuuna socday 30—31 October 2019 , waxaana lagu soo bandhigaa sanadkan waxa u qabsoomey Isbaheysiga Caalamiga ah ee Solar-ka (International Solar Alliance) ayadoo lagu ansixiyay qorsho howleedka sanadka soo socda (ISA – INTERNATIONAL SOLAR ALLIENCE).

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment