864 Views

Guddiga doorashooyinka Somaliland oo u digay Madaxda Xisbiyada & Musharixiinta

Guddiga doorashooyinka Somaliland oo u digay Madaxda Xisbiyada & Musharixiinta
____________________________________________________________________________

Guddiga Doorashooyinka Somaliland ayaa digniin ka soo saaray howlaha doorashooyinka Golaha Wakiilada iyo degaanka Soomaliland, xilli Maalinta Berito ah ay bilaaban doonaan  Ololaha doorashyada.

Qoraal kasoo baxay Guddiga Doorashooyinka Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in si loo galo doorasho xur iyo xalaal ah looga digayo Xisbiyada iyo musharixiinta dhamaan wixii khalqal amni keeni kara ama ka hor-imaanaya Xeerka Guud ee Somaliland.

” Sida aynu la wada socono waxaa kaabiga innagu haya oo loo dareerayaa Ololihii doorashooyinka isku sidkan ee Golayaasha Wakiilada iyo Golayaasha Deegaanka, Si habsami u socodka ololaha doorashooyinku si fiican innoogu hirgalo ,si loo galo Doorasho xor oo xalaal ah, Waxa dhamaan xisbiyada qaranka iyo murashaxiinta tartamaysaba looga digayaa in ay ka digtoonaadaan dhamaan waxii khal khal ku keeni kara ama ka horimanaya “Xeerka Guud 91/2020 iyo Xeerka hab-dhaqanka xisbiyada ee doorashada golaha wakiilada iyo golayaasha deegaannada Somaliland ayaa lagu yiri” Qoraalka Gudiga doorashooyinka Somaliland.

Sidoo kale Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa ku amray musharixiinta sameystay boorarka Xisbiyada ka hor ololaha doorashada oo ku beegan 23-05-2021 ciddii lagu arkaana astaamo isku samaysan wixii ka danbeeya 23-05-2021 in laga qaadayo tallaabo sharciga waafaqsan.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post