900 Views

Khasaaraha ka dhashay qarixii Muqdisho oo kordhay

Khasaaraha ka dhashay qarixii Muqdisho oo kordhay
____________________________________________________________________________


Mogadisho | QOL |  September 10 2020
—Waxaa isa soo taraya khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay qarixii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay banaanka hore ee Maqaayadda Blue Sky oo ku dhow Taalada Xaawa Taako ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa waxaa la sheegay in uu ahaa Ruux isku soo xiray waxyaabaha qarxa in uu isku qarxiyay dad ku shaaheynayay banaanka maqaayadda, waxaana dowladda ay shaacisay in dadka ku dhintay qaraxaas ay gaarayaan ilaa Saddex Ruux.

Hayeeshee Wararka soo baxaya ayaa waxaa ay sheegayaan inay kordheyn khasaaraha qaraxa,waxaana dadka ku dhintay kamid ah Taliye ka tirsanaa Ciidamada Koofi Casta ee Ilaalada Madaxtooyada oo lagu Magacaabi jiray Seydoow Sheekh Abukar iyo Askari ilaalo ka hayay Barta Koonorool ee Gaadiidka lagu baaro oo ku dhow Maqaayadda Blue Sky.

Tirada dadka ku dhintay qarixii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay banaanka Maqaayadda Blue Sky ayaa gaartay 5 Ruux oo isugu jira Shacab iyo askar ka tirsan Ciidamada Dowladda, kuwaas oo dhamaantood ku sugnaa halka qaraxa uu ka dhacay.

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in hagardaamada Al-Shabaab aysan hakin doonin dadaalka dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ugu jiraan nabad ku soo dabaalidda dalka.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post